Ethiopia Oo Dhex-dhexaadin Ka wada Xiisada B/Xaawo

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga soo sheegayaa dadaalo si hoose ay u wadaan Saraakiisha Oromada Ethiopia kuwaasoo maalmihii ugu dambeeyay dhexdhexaadin ka dhex waday Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo Ergo ka wakiil ah Dowlad Goboleedka Jubbaland…..

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Wakiilo ka socda labada dhinac ay maalimihii ugu dambeeyay kulamo qarsoodi ah ku yeesheen Magaalada Addis abeba, iyagoo ka dooday qodobo dhowr ah ayna ugu muhiimsan tahay Xiisada Ciidamada Gobolka Gedo (Degmada B/xaawo) isku hor fadhiya.

Ilo wareedkaan ayaa xaqiijiyay in Magaalada Addis Ababa ay ku kulmeen ergada labada dhinac, waxaana garwadeen ka ah Mr.Abiy Axmed oo qaabilay labada ergo, wuxuuna ka dalbay iney kalsooni siiyaan Ethiopia ay xaliso xiisada gobalka Gedo labada dhinacana ay u wakiishaan, Jubbaland waa diiday waxay adkeysatay in hadii aan Ciidankaasi laga saarin Gedo heshiis geli karin,” ayuu yiri.

Hadda ma jirto wax la isku fahmay balse waxaa la qabaa rajo wanaagsan sababtoo waa qasab wada-hadal doorashada ka hor ah maxaa yeelay labada dhinacba waxay diyaarsadeen ciidan awood leh dagaal ayaana dhici kara,

69780cookie-checkEthiopia Oo Dhex-dhexaadin Ka wada Xiisada B/Xaawo