Share the post "Maxaa Xiligaan Adag Keenay in La Xiro Tiro Badan oo Xarumo Caafimaad Degaanada Puntland.."
Warbixin loo qaateen ah ayaa tilmaameysa in degaanada Maamulka Puntland ay qarka u saaran yihiin iney xirmaan ku dhawaad 100 Xarumood oo ah kuwa ka howlgala adeega Caafimaadka, sababo la xiriira Maamul iyo dhaqaale xumo soo food saartay Hay’adaha Caafimaadka…
Wararka ayaa sheegaya in 70 ka mid ah Xarumahaasi oo adeega Caafimaad bixin jira ayna horey u maalgelin jirtay Hay’adda Save the Children dhawaan albaabada la laabi doono, sababo la xiriira Maalgelin la’aan, iyadoo shaqada laga joojin doona in ka badan 150-Shaqaale degaanka ka soo jeeda, talabadaan oo si weyn u dhintay awooddoodii bixinta adeegyada kaalmaynta kuwa nugul.
Dhaqaale yaraataan ayaa lagu sababeeyay, iyadoo Maamulka Trump uu jaray $170-Millions oo gargaar bini’aadantinimo ah oo loogu talagalay Somalia, Hey’adaha Samafalka ayaa bilaabay iney Albaabada isugu lawbaan qaar kamid ah xarumahoodii muhiimka u ahaa badbaadinta nolosha dad badan, waxeyna uga digay beesha caalamka in hoos u dhaca deeqaha uu sababi karo musiibo bani’aadamnimo oo baahsan.