Dhuusa mareeb Oo Lagu Qabtay Nin Waday Walxaha Qarxa

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Xoogaga Amaanka ee Galmudug ayaa xalay fashiliyay walxaha qaraxa ay nabadiidka doonayeen inay ka gaystaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, kadib markii ay ku soo wargeliyeen dadka deegaanka…,,

Wararka ayaa sheegay Nin dhalinyaro ah oo qaraxaasi waday ayaa damcay inuu geliyo meel ku dhow goob qaadka lagu iibiyo, gudaha Magaalada Dhuusamareeb. Haween goobtaasi ka ag-dhawaa ayaana ku wargeliyay hay’adaha Amaanka, waxeyna ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan ninkaasi iyo qaraxii uu doonaayay inuu amniga ku qalqalgeliyo.

Ciidan ka ayaa sidoo kale kala fur furay walxahaasi qarxa lagu soo qariyay daasad/gasac, iyagoona saddex qaybood u kala saaray. Ciidanka ayaa muuqaalo ay qaraxaasi ka qaadeen la wadaagay Warbaahinta.

75080cookie-checkDhuusa mareeb Oo Lagu Qabtay Nin Waday Walxaha Qarxa