Xiisado & Rabshado Ka Dhashay Doorashada Degmada Eyl

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Xiisad ka dhalatay doorashada Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ka dhacday oo ku sugan yahay Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, taasoo ka dhalatay doorashada guddoonka Degmada….

Wararka ayaa sheegay in Golaha degaanka Degmada Eyl oo doorasho qof iyo cod ah lagu doortay 25-kii Oktoobar 2021 ayaa xalay la dhaariyay, waxayna cod gacan-taag ah ku doorteen Guddoomiye, balse waxaan si sax ah u dhicin doorashadii Guddoomiye ku-xigeenka, sida ay sheegeen Dad goob joog ahaa.

Faysal Khaliif Waceys oo ka tirsan Urur siyaasadeedka Kaah, kaligiisna tartamay ayaa loo doortay Guddoomiyaha Degmada Eyl, wuxuu helay 26 cod oo ka mida golaha deegaanka, iyadoo Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka oo ay u tartamayeen saddex musharax oo labo ka mid ah yihiin ururka Mideeye midna Kaah yahay waxaa hareeyay khilaaf iyo buuq.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad ayaa ku dhawaaqay in uu 15 cod ku guuleystay Cabdirisaaq Kilwe Yuusuf oo ka tirsan ururka Kaah, Intaas kaddib waxaa qaybo ka mid ay degmada Eyl ka billowday rabshado, iyadoo ciidamada Puntland ay xirxireen qaar kamid ah dadkii ka gadooday natiijada lagu dhawaaqay.

211540cookie-checkXiisado & Rabshado Ka Dhashay Doorashada Degmada Eyl
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com