Is-Rasaaseyn ka Dhacday Gudaha Magaalada Garoowe & Khasaare ka Dhashay..

Domestic News Security Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa is-rasaaseyn xalay ku dhex martay gudaha magaalada Garoowe Xoogag ka wada tirsan kuwa Amaanka, waxaana ka dhashay khasaare dhaawac oo soo gaaray mid ka mid ah Ilaaladda Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland..

Wararka ayaa sheegaya in is-Rasaaseyntani ay dhexmaray ciidamo ka tirsan Ilaalada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xoogag ka tirsan Boliiska Gobolka Nugaal, xilli ay wadeen howlgallo lagula dagaallamayo hubka sharci darrada ah, iyadoo Boliisku isku dayeen iney Xoog Hubka uga qaadaan ilaalada Gudoomiyaha, kuwaasoo ku sugnaa meherad Ganacsi oo ku dhow Hoteelka Caduun.

Dhacdadan ayaa kusoo beegantay maalmo kaddib markii magaalada Garowe ay ka dhaceen falal amniga lid ku ah oo lagu dilay dad shacab  ah, Maalin ka hor, Maamulka Gobolka iyo Laamaha Amniga ayaa sheegay iney bilaabayaan howlgallo lagula dagaalamayo hubka sharci darrada ah, si loo xaqiijiyo amniga magaalada Garowe.

371580cookie-checkIs-Rasaaseyn ka Dhacday Gudaha Magaalada Garoowe & Khasaare ka Dhashay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *