Xarunta Cilmiga Xidigiska Oo Saadaalisay Maalinta Ciida Soonfur ku soo Aadeyso…

Somalia news World

Saadaalin ayaa si hordhac ah u soo saartay Hey’adda Cilmiga Xidigiska ayeey ku sheegtay in 8-Dal ay ku dhawaaqi doonaan 10-bishan (April) kuna beegan maalinta Arbacada soo socota ee Taariikhda Islamka 1-da Shawal, Maalinta 1-aad ee Ciidul Fidriga ee 1445 AH, marka la qiyaaso Xisaabinta Xidigiska…

Iyadoo Dalal kale Islaamka ka tirsan lagu wado in 11-ka Bishaan April ay ku dhawaaqi doonaan Maalinta Ciidul Fidriga, inkastoo Dalal ay ka mid yihiin Egypt, UAE, Sacuudiga, Qatar, Syria, Kuwait, Bahrein Algeria iyo Somalia ay Soonka Bilaabeen 11-Kii Maarso.

Dalalka Islaamka ayaa isku waafaqsaneyn Maalinta ay bilaneyso Bisha Ramadan iyo Maalinta la furaayo Soonka ee Ciidul Fidriga, waana dhaqan soo jireen ah, waxaana ugu wacan Cimilada oo Dalalka qaarkood u saamaxeynin iney arkaan Bisha halka kuwo kale arkayaan.

318990cookie-checkXarunta Cilmiga Xidigiska Oo Saadaalisay Maalinta Ciida Soonfur ku soo Aadeyso…