Haweeney ka Tirsan Bahda Caafiimaadka Oo Xalay lagu Dilay Dayniile

Somalia news

Wararka dheeraad ah ayaa laga helayaa koox hubeysan oo xalay fiidkii fal dil u geystay Haweeney fadhisay albaabka hore ee gurigeeda oo ku yaala xaafada Ciisa Cabdi ee degmada Deyniile ee Gobolka Benaadir…

Wararka ayaa sheegay in Marxuumada lagu magacaabi jiray Shukri Cal Mahad Alle waxeyna rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, taasoo dhalisay iney isla goobta ku geeriyootay, iyadoo Marxuumada ayaa si weyn looga yaqaanay xaafadda Ciise Cabdi, iyadoo ka mid ahayd haweenka shaqaalaha Tallaalka Cudurka Dabeysha ee xaafadaha ugu taga caruurta u baahan Talaalka Dabeysha.

Xoogaga Amaanka ee degmada Deyniile oo fuliyay howlgalo baaritaano ah ayaa ku guuldareystay iney gacanta kusoo dhigaan Eedeysanayaasha falkaa dilka ah geystay, Magaalada ayaa Amnigeeda hoos u dhac ku yimid intii ay la wareegeen Maamulka Villa Somalia kooxda Damu jadiid.

250460cookie-checkHaweeney ka Tirsan Bahda Caafiimaadka Oo Xalay lagu Dilay Dayniile