Hey’adda IMF Oo Digniino ka soo saartay Hoos u Dhaca Deeqaha Somalia..

Economie Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa qoraal digniin xambaarsan oo ay Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) ka soo saartay in hoos u dhaca ku yimaada deeqaha caalamiga ah ee Dalka Somalia la siiyo uu sababi karo saameyn dhaqaale oo baaxad leh, korodhka Saboolnimada iyo Raashin-yarida, hoos u dhac ku yimaada horumarka bulshada, iyo carqaladeynta dadaallada lagu dhisayo awoodda Hey’adaha Dowladda…

Warbixinta IMF ayaa lagu sheegay in saadaasha dhaqaale ee Somalia ee sanadka 2025 ay mugdi gelisay hubanti la’aan badan, iyadoo ay sii yaraanayaan deeqaha dibadda, roobabkuna aanay joogto ahayn, “Taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan marka loo eego hubanti la’aanta sare iyo halisaha dhaqaale ee muuqda, waa mid muhiim u ah hirgelinta siyaasadaha dowladda Somalia,” ayaa lagu yiri Warbixinta.

Dhinaca kale, IMF waxay sheegtay in ay Soomaaliya la gaartay heshiis heer shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegistii saddexaad ee barnaamijka Kaalmada Deyn-bixinta Dheer (Extended Credit Facility – ECF), Warbixinta ay IMF soo saartay ayaa lagu xusay in heshiiskan uu furayo waddada lagu sii deynayo US$10-Millions, hase yeeshee lacagtaas waxaa weli ansixin doona Guddiga Sare ee IMF.

373100cookie-checkHey’adda IMF Oo Digniino ka soo saartay Hoos u Dhaca Deeqaha Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *