Wararkii Ugu Dambeeyay ee Xaalada Doorashada Degaanada Puntland..

Somalia news

Hardanka Doorashada Madaxtinimada Puntland oo saameysay goobo ka baxsan Degaanka, iyadoo Isniinta 8 Janaayo 2024-ay dhaceyso, ayaa la sheegaya in tiro Musharixiin ah ilaa hadda loo arko iney buuxin karaan hanashada Kursigaasi, sida muuqata waa doorasho ka adag dhamaan tartamadii lasoo qabtay…

Iyadoo muhiimad weyn ay tahay doorashada Dadka Degaanka uguna fadhido inuu Isbedel la waayay 25-sano uu yimaado, lagana baxo Isbaarada Ilmo Salebaan oo ku fashilmeen dhamaan Xubnihii Xilkaasi soo qabtay iney Degaanka Gaarsiiyaan Doorasho degaan oo Qof iyo Cod ah.

Dhanka kale, 25-ka Decembar ka hor waxaa lagu wadaa in Musharax kastaa oo kamid ah Musharixiinta iyo Taageerayaashoda ay muujinayaan iney Saadaalint ku horeeyaan, Hayeeshee Isniinta todobaadka soo socda ayaa lagu kala ogaan doonaa, waana Odoros Musharax kasta Xisaabtiisa u taala Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka.

6:30-PM Makhribnimo ee 31-ka bishan, waxaa kala cadaanaya xubnaha 8-Jan iska xaadiriyey iyo Musharaxiinta xaaladu ku adkaatay oo laga reebay Tartanka, iyadoo Musharax kasta awood kasta oo dhaqaale ee uu heysto ayuu adeegsanayaa, waxeyna Saadaalintu u badan tahay in 4-Musharax ay ugu dambeyn isku soo hari doonaan.

294510cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay ee Xaalada Doorashada Degaanada Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com