Share the post "Villa Somalia Oo wada Qorshe Isku Shaandheyn & Sababta ka Dambeysa.."
Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia wado Qorshe isku shandheyn kooban & Magacaabis Ra’iisul wasaare kuxigeen, iyadoo lagu qancin doono Xildhibaanada Beelaha Daaroodka & Hawiyaha…
Xuuraanada laga helaayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Somalia Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ka soo jeeda Beesha Ciise Maxamuud ayaa lagu wadaa in laga wareejiyo Wasaaradda, islamarkaana uu noqdo Ra’iisul wasaare ku xigeen 3-aad oo ay yeelanayso Dowlada Federaalka.
Inkastoo Muran iyo dood Xoogan ay ka taagan tahay in Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha xubinta Beesha Daarood qaadaneysa, waxaana isku haya Beelaha Mareexaan iyo Majeerteen, iyadoo Xildhibaanada Beesha Mareexaan ayaa ka digay in aan loo sad buursiinin Beesha Majeerteen iney isku darsadaan Ra’iisul wasaare kuxigeen iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana Xilkaasi u sharaxan Xildhibaan Qaasim Cilmi Seed.
Halka Xildhibaanada Beesha MJ Wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha loo magacaabo Xildhibaan Cismaan Cali Yuusuf (Cismaan Dheere) oo sidoo kale laga soo doorto Puntland, kaasi oo soo noqday Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ka hor inta uusan ku biirin Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Somalia.
Xildhibaan Cismaan Dheere ayaa sidoo kale xubin ka ah koox Villa Somalia u qaabilsan qorista iyo abaabulka mileeshiyaad laga abuuray magaalooyin ka tirsan Puntland, si culays loogu saaro Siciid Deni oo ay dano shakhsiyeed ku muransan yihiin Xasan Sheekh.