Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Eedeyn u Jeediyay Ciidamada Danab…

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa eedeyn culus oo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka u jeediyay Ciidamada Danab kuwaasoo uu sheegay in Xubno ka tirsan Beeshiisa ay xabsi ku gureen kadib markii ay ka soo qabteen Degaan iyagoo hubeysan…

Wararka ayaa sheegay in Xildhibaan Daahir Jeesow uu ku eedeeyay Ciiddmada Danab kafib markii howlgal ka fuliyeen aagga degaanka Yaaqbari-weyne ee Gobolka Shabeellada Hoose lagu soo qabtay 11-Qof oo u dhashay beesha uu metelo ee Gaaljecel, Xildhibaanka ayaa sheegay in Dadkaasi loo heysto Shabaabnimo, balse ay yihiin shacab difaac uga jiray beel kale oo la degta deegaanada hoos taga degmada Walaweyn oo dagaal sokeeye uu kala dhexeeyo.

Beesha uu metelo Xildhibaan Daahir Jeesow ee Gaaljecel ayaa dagaal xal loo waayey oo dakanadiisu ay sanado badan taagan tahay wuxuu kala dhexeeyaa beesha Shan-caleemood oo ay wada degaan Wallaweyn iyo qeybo badan oo Sh/Hoose ka mid ah, Sidoo kale wuxuu cadeeyey in hubkaas aan loo wadan in lagu dhibaato Dowladda ama Dad kale, balse dadku ay u hubeysan yihiin, sidii ay u difaacan lahaayeen naftooda oo kaliya.

Wuxuuna Xildhibaanka ka codsaday Hogaanka Ciidamada Danab Ugu dambeyntii in 11-kaas qof iyo hubkooda ay si nabad ah ku sii daayaan, maadaama uu soo xaqiijiyey in aysan kooxda Shabaab aheyn, isaguna yahay Xildhibaankoodii ah.

264220cookie-checkXildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Eedeyn u Jeediyay Ciidamada Danab…