Rooble Oo Amaro Adag Dul dhigay W/Maaliyada & Bangiyada

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka Mr.Rooble ayaa soo saaray Wareegto uu ku joojinaayo dhamaan Accountiyada Hey’adda Nabadsugida iyo Maamulka Gobolka Benadir, kuwaasoo uga furnaa Bangiga Dhexe iyo kuwa gaar loo leeyahay…

Talaabadaan ayaa soo timid kadib markii Khilaaf u dhaxeeya Mr.Rooble iyo Farmaajo uu gaaray heerkii ugu hooseeyay, iyadoo xayiraada dhaqaalaha labada Hey’adood ay horseedi karaan in kooxda falaagada ah ay dhaqaale xumo soo food saarto, inkastoo ay Ganacsato Soomaaliyeed oo Villa Somalia gacan saar la lehay balanqaadyo siiyeen.

Dhanka Waxaa xarunta NISA isaga soo guuray Horjooge Cabdullaahi Kulane (Jiis-Mareexaan), wuxuuna degay Dhisme ku dhex yaal Madaxtooyada Villa Somalia, Horjoogahaan ayaa ka mid ah Eedeysanayaasha Dacwada laga gudbiyay kuna eedeysan Afduubka iyo Dilka Marxuumad Ikraan Tahliil.

139940cookie-checkRooble Oo Amaro Adag Dul dhigay W/Maaliyada & Bangiyada