Share the post "Ma Dhabaa in Ninka Ay Qabteen Xoogaga Puntland uu ka soo Jeedo Dalka Urdun.."
Warbixin Sirdoon ayaa daaha ka rogeysa in Shaqsiga Argagixisada Kooxda Daacishta ee lagu qabtay Degaan ka tirsan Buurta Cal-miskaad oo Maamulka Puntland ku sheegeen inuu u dhashay Dalka Turkiga uu ka soo jeedo Boqortooyada Dalka Urdun balse laga helay Baasabor Macmal ah oo Turki ah…
Saraakiisha Maamulka oo markii hore Shaqsigaan u aaminsanaa inuu u dhashay Turki, iyadoo la tixraacayo warqadaha aqoonsiga ee uu bixiyay markii la qabanayay. Si kastaba ha ahaatee, hubinta biometric Dhiiga & Dhecaanka iyo xogo Sirdoon ayaa markii dambe beenisay sheegashada Maqmulka waxeyna daaha ka qaaday inuu isticmaalay dukumeenti Turki ah oo been abuur ah magaciisa ku sheegay Hassan Atar.

Eedeysanaha ayaa la soo qabtay xilli uu isku dayay inuu baxsado Xoogaga Amaanka ay baaris iyo howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Maleeshiyaadka Daacishta ay ku qaadeen dhulka Buuraleyda ah, halkaasi oo ay xoojiyeen Ololaha ay ku burburinayaan unugyada haray ee Kooxda Argagixisada Daacishta Somalia.
Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay in kiiskan uu muujinayo qalafsanaan iyo ka gudbitaanka qaab dhismeedka shaqo qorista, abaabulka iyo isku xirka kooxda argagixisada Daacishta Somalia, iyadoo Maleesgiyaadka Ajaanibta ah ay weli ku soo qulqulayaan gayiga Dalka, waxeyna isticmaalaya dukumentiyo been abuur ah.