Maxey Dowladda Federaalka u Qarineysa Kaalinta Hogaamineed ee Ciidamada Turkiga ee Somalia ku sugan

Somalia news

Waxaa marqaati ma doonto ah in Kaalin mug leh ay Diyaaradaha Drones-ka Turkiga ka ciyaaraan Duqeymaha Cirka ee dagaalada looga soo horjeedo kooxda Argagixisada Shababka ee Degaanada Hirshabelle iyo Galmudug, kuwaasoo dhiliyay khasaare xoogan…

ilo xogogaal ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in laga soo bilaabo 23-kii Novembar ilaa 26-kii Bishaan ay Dowladda Federaalka soo warisay 3-weerar oo dhanka cirka ah, balse ayaan darro ma shaacin Dalka laga leeyahay Drones-kaasi, waxeyna ku gaabsadeen iney cadeeyaan wax ay ula jeedaan Saaxiibada Caalamka ee Somalia.

Dafir u muuqda ku tala Gal & Marin habaabin

Wasiirka Gaashandhigga Somalia ayaa sheegay inuusan heynin xog tilmaameysa in muowduucaan balse wuxuu carabka ku adkeeyay in Cid kasta oo gacan siineysa at soo dhoweynayaan ciribtirka kooxaha argagixisada, Wasaarada Difaaca Turkiga ayaa sheegay iney sii wadayaan taageerada ay u fidiyaan Somalia.

Sarkaal Sirdoon oo magaciisa ka baaqsaday in la xigo ayaa qiray “in Guulaha la gaaray aysan dhici laheyn hadii aysan dagaalka ku soo biireen Drones-ka “Bakhtikar-ka) Turkiga, si kastaba lama oga sababta ay Dowladda u door biday iney qariso kaalinta Turkiga.

228520cookie-checkMaxey Dowladda Federaalka u Qarineysa Kaalinta Hogaamineed ee Ciidamada Turkiga ee Somalia ku sugan