Share the post "Wada Hadalada Konfurta iyo Waqooyiga Somalia iyo Natiijada Laga Filan Karo"
Sida loo xaqiijiyay Diinah.com, Waxaa lagu wadaa in maalinta Axada lagu qabto Magaalada Jabuuti Kulanka ay garwadeen ka ka yihiin Mareykanka iyo Ethiopia, si loo dardar geliyo in wadahadalada Somalia & Somaliland, iyo sidii hoggaanka Somaliland ay uga mid noqon lahaayeed maamulka cusub ee dowladda la filaayo in la doorto 2022…
Iyadoo loo Saraakiisha USA ay qorsheeyeen In Maamulka Somaliland loo qondeeyay xilka Madaxweynaha halka Beelaha Hawiye iney qaataan xilka Wasiirka 1-aad ee Dowlada, iyadoo Qodobada ugu muhiimsan ay ka mid yihiin in laga garaabo buruburkii Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Dagaaladii Waqooyiga ee Taliskii Siyaad Barre Maga laga bixiyo iyo qodobo kale.
Wejiga labaad ee shirka aya lagu wadaa in ay magaalada Jabuuti isugu tagaan RW Xasan Cali Kheyre, Gud. BJFS Maxamed Mursal oo matalaya Somalia iyo MW Ku xigeenka Somaliland iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ah sida loo xaqiijiyay Diinah.com.
Talaabadaan ayaa waxay caddeyn u tahay In sida qorshaha uu yahay in lagu soo doorto xildhibaanada labada aqal ee Somaliland magaalada Muqdisho la joojiyio, isla markaasna wakiilo ka socda Waqooyiga ay markii ugu horeysay ay qeyb ka noqdaan Barlamaanka Federaalka, iyadoo Xarunta looga dhigi doono Magaalada Hargeysa.
Sida ay sheegeen dad badan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya aya sheegaya in ay arrintan u baahan tahay waqti badan marka dhinacyo badan wax laga eegana wax shir iyo laba kusoo afjarmaya marna ma aha, marka dhinac walba laga eego.
Inkastoo qorshahani uu si hoose ku socday muddo sanad ka badan, wuxuu hadda soo gaaray heerkii ugu sareeyay iyo wejigii ugu dambeeyey, waxaana si toos ah u taageereysa Dowladda Mareykanka.
Dadka u dhuun daloola arrimaha caalamka iyo waxgaradka Soomaalida ayaa qaba in haddii aan la helin xal siyaasadeed oo ay la timaado Dowladda Soomaaliya, ay gebi ahaanba halis ku jirto jiritaankeeda, oo hadda 30 sano ka badan kusoo badbaaddey Xeerka Caalamiga ah oo hadda u muuqda mid daaqadda kasii baxaya oo la isu awood sheeganayo amaba markale la is addoonsan karo.