Maxaa ka Run ah in Dowlada Egypt ay Casumaad u Fidisay Madaxda Somalia & Eritrea…

Africa News Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynaha Dalka Masar uu casumaad wadajir ah u fidiyay Madaxweynayaasha Eritrea & Somalia iney booqdaan magaalada Qaahira, kulankaan ayaa diirada lagu saari doonaa Xiisadaha Wabiga Nile iyo heshiiska is-afgaradka Ethiopia iyo Maamulka Gooni goosdka Somaliland..

Wararka ayaa sheegaya in Wafdi heer sare ah uu hogaaminaayay Taliyaha Sirdoonka Epgyt Mag.Gen.Abbas Kamel uu Axadii tagtay Safar shaqo ku soo gaareen magaalada Mogadishu, Halka wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Masar Sameh Shoukry uu booqasho ku tagay Dalka Eritrea, isagoo soo gudbiyay dhambaal uu ka siday Madaxweyne Al-Sisi oo ku socday Madaxweynaha Eritrea.

Dhaqdhaqaaqyo diblumaasiyadeed iyo Howlgalo Ciidamo ayaa xiligaan ka socda Geesks Africa & Badda Cas, gaar ahaan dhanka kale ee Dalka Yemen, waxaana sii kordhaya xiisadaha u dhaxeeya Xuutiyiinta & Reer Galbeedka, iyadoo colaada Somalia & Ethiopia ay gaartay halkii ugu sareysay, inkastoo IGAD ay ku baaqday Kulan ka dhaca Dalka Uganda.

300610cookie-checkMaxaa ka Run ah in Dowlada Egypt ay Casumaad u Fidisay Madaxda Somalia & Eritrea…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com