Musharax Xildhibaan Oo Lagu Eedeeyay Lunsashada Dhaqaale

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Maamulihii hore ee Dugsi Waxbarasho oo madax-banaan islamarkaana Islaami ah kana dhisan Dalka Sweden ayaa waxaa loo baarayaa xiriir ku saabsan dhaqaale dhan $515,000 oo la rumeysan yahay in la khiyaameeyey…

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Abdirizak Abdulaahi Waberi ayaa waxa uu maamule ka ahaa Dugsiga Romosseskolan ee magaalada Gothenburg. Waxaana la tuhunsan yahay inuu maamulayey urur adeeg waxbarasho u fidinayey Dugsiyada Islaamiga ah ee magaalada, Mr.Waaberi, oo xiligaan madax ka ah xisbi siyaasadeed ka dhisan Somalia, wuxuuna ka soo jeedaa Magaalada Dhahar, isagoo u sharaxan inuu Inuu noqo Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka, Musharaxa ayaa la Eedeeyay inuu xiriir la leeyahay ururka Ikhwaanul Muslimiin, waxaana laga eryey Sanadkaan Maamulkii Dugsiyada.

Mr.Waaberi ayaa wuxuu sidoo kale madax ka ahaa xiriirka ururada Islaamiga ah (Federation of Islamic Organisations), oo Sirdoonada Dowladda UK ay sheegeen inuu ahaa garabka Ikhwaanul Muslimiin ee Yurub, Isniintii, dacwad-oogayaasha dambiyada dhaqaalaha Sweden ee loo yaqaan Ekobrottsmyndigheten ayaa ku dhawaaqay inay dacwado kusoo oogayaan laba wakiil oo ka tirsan urur xiriir la leh iskuulka, Dambiga ayaa la tuhunsan yahay in la galay 2016 illaa 2018.

142900cookie-checkMusharax Xildhibaan Oo Lagu Eedeeyay Lunsashada Dhaqaale