Maxaa Ka Jira Inuu Is Casilay Wasiirkii Difaaca Ethiopia

World

Wararka hordhaca ee naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia ayaa sheegaya in Wasiirkii Difaaca uu is casilay. Kadib markii ay kordheen Banaanbaxyada rabshado Ha kuwaasoo looga soo horjeedo Maamulka Abiy….

Banaanbaxyadaan ruxay Gobolada iyo Caasimada ayaa soo baxay kadib markii Xoogaga amaanka ee Addis Ababa ay dileen Fanaanka Hachalu Hundessa oo ka soo jeeda Qomiyada Oromada isla markaasna Xabsiga dhigeen madaxii Mucaaradka Mr.Jawar Mohammed iyo xubno kale,

Xoogaga amaanka ayaa la tacaalaya xakameynta Dibadbaxayaasha, waxaana la sheegay in Dhimasho badan iyo burbur xoogan uu Gaaray gobolo badan oo ka tirsan Ethiopia.

Madaxwaynaha maamulka Addis ma is leeyahay inuu ku xigi doono Is-casilaada.!!??

45380cookie-checkMaxaa Ka Jira Inuu Is Casilay Wasiirkii Difaaca Ethiopia