4-Qof Oo Pakistan u Dhashay Oo Lagu Eedeeyay iney Hub u Gudbinayeen Xuutiyiinta..

U.S. World

Afar Qof Pakistan u dhashay oo Badmaaxiin ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay u daabuleen hub laga shakisan yahay in Iran lagu sameeyay Markab ay Ciidamada Badda Mareykanka ku qabteen Badda Carabta bishii hore, Laba askari oo Navy SEALs ah ayaa dhintay intii lagu jiray howlgalka…

Eedeynta Dambiyada 4-Eedeysane loo heysto ayaa khamiistii laga soo saaray Maxkamada Fegmada Richmond ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in Dhamaan Eedrysanayaasha ay siteen kaarar aqoonsi oo Pakistani ah, iyagoo Doonta ay wateen laga helay Qalab looga shakisan yahay gantaalada Iran ay samaysay ee nooca hubka ay u adeegsadeen xoogaga Xuutiyiinta weeraradii u dambeeyay.

Sida laga soo xigtay Dacwad oogayaasha, Ciidamada Badda ayaa Askartaan ayaa u dhaadhacay Doonta yar oo aan calan sidan, waxayna la kulmeen 14-Qof oo saarnaa Doonta habeenkii 11-kii Jannaayo, xilli uu marayey badda Carabta ee xeebaha Somalia, Ciidamada ayaa baaritaan ku sameeyay Doonta, waxaana ay heleen wax ay dacwad oogayaasha ku sheegeen inuu ahaa hub Iran lagu farsameeyay, oo ay ku jiraan waxyaabaha laga sameeyo gantaalada riddada dhexe iyo gantaalada lidka maraakiibta.

Intii uu Howlgalku socday ayaa waxaa Baddu qaaday 2-Askari oo ka tirsan Ciidamada Badda Mareykanka kuwaasoo baaris dheer kadib laga quustay in la helo waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Gage Ingram iyo Christopher J. Chambers

310450cookie-check4-Qof Oo Pakistan u Dhashay Oo Lagu Eedeeyay iney Hub u Gudbinayeen Xuutiyiinta..