Dooxo Oo Ku Cadaadineysa Kheyre Is-Casilaad

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa faahfaahin hordhaca ah u soo gudbiyay Diinah.com news, waxaana la sheegay in Maamulka Dooxa ay ku cadaadinayaan sidii isku casili lahaa Ra’isul-wasaare Kheyre, isla markaasna booskiisana loo magacaabo shaqsi ka tirsan mucaaradka…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Kulamada ka socda Magaalada Dooxa ay soo gaareen heerkii ugu dambeeyay, waxaana la sheegay in Safaarada USA ee Muqdisho iyo Afada Madaxweynaha ay qeyb ka yihiin Culeysyada la saaray Mr.Kheyre, waxaana loo Soo bandhigay dhowr Fursado oo ay ku jiraan kuwo Dhaqaale iyo Xilal Loo magacaabo Horjoogayaasha taageersan.

Mr Kheyre ayaa loo soo bandhigay inuu qaato 5-7 millions US$ si uu u baneeyo booska, wada-xaajoodka oo si xowli ah ku socda ayaa natiijadiisa laga war dhowrayaa, Bedelkiisana waxaa la sadaalinayaa Xildhibaan C/qaadir Cosoble kasoo waqtigii ogolaanshaha Metelaada Muqdisho amaan kala dul dhacay  Madaxweyne Farmaajo, isla markaasna Musgaraznimadii Madaxweynaha ku beshay Xilka Wasiirka 1-aad ee xaalada kala guurka ayaa iskana indha-tiray Ninka booskiisa uu socdo  ee Kheyre.

Qorshahaan ayaa hadii uu hirgalo waxaa laga yabaa inuu Mr.Farmaajo uu damac ka galo muddo kororsiga uu ku taamaayay 2-sano ee ugu dambeysay, taasoo la saadanilaayo in 1-2 sano loogu kordhiyo muddo xileedkiisa.

45450cookie-checkDooxo Oo Ku Cadaadineysa Kheyre Is-Casilaad