Maamulka Puntland Magaalada Muqdisho ayaa Xaalad caafimaad ugu soo qaaday 4 askari oo ay waxyeelo kasoo gaartay cunto loogu daray quraarad (Dhalo) la shiiday, Ciidamada Oo xiligaasi ku Sugnaa degaano ka tirsan Gobolka Sanaag….
Xildhibaan katirsan Barlamaanka Puntland oo lagu magacaabo Axmed Kuluc, ayaa saxaafada gudaha u sheegay inay askartu islamarkiiba ku xanuunsadeen cuntada.
Kadib baaritaan lagu sameeyay haraadiga cuntada loo geeyay askarta ayaa lagu ogaaday ama laga helay nuuc kamid ah quraarada oo la shiiday.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in askarta oo labo kamid ah xaalladoodu ay liidato loo qaaday isbitaalka Turkiga ee kuyaala magaalada Muqdisho, haddii wax looga garan waayana loo gudbindoono dalka dibadiisa.
Lama oga sababta ka dambeysa arrintan, balse, Puntland ayaa xirtay shaqaalihii ka howlgalayay goobta ay askarta ka cuntaynayeen, iyagoo lagu wado baaritaan ku aadan cida ka dambeysa falkaan.