Xildhibaanada Oo Loogu Baaqay Kulan Maalinta Berito ah

Somalia news

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maalinta berri yeelanaya fadhi wadajir ah oo lagu ansixinayo Xeerka doorashada Guddoonka labada Aqal…

Xeerkan ayaa waxaa lagu soo bandhigaya jadwalka doorashada Guddoonka labada Aqal oo la qorsheynayo in bishan gudaheed la doorto.

Haddii bishan April dhexdeeda la doorto Guddoonka labada Aqal waxaa yaraan doona cabsidii laga qabay in bartamaha bisha soo socota ee May in dalka laga jarto taageeradii dhaqaale ee Kabka miisaaniyadda iyo inuu halis galo nidaamka dib u habeynta deyn cafinta.

Haddaba maxaa la gudboon Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka?

183180cookie-checkXildhibaanada Oo Loogu Baaqay Kulan Maalinta Berito ah