Shirka Dhuusa mareeb Oo 2-Todobaad Dib Loo Dhigay

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya Kulankii Xalay Oo qaatay 6-Saacadood Oo xiriir ah, iyadoo dooda xoogeedu ay aheyd Doorashada iyo Muddo kordhinta, Waxaa la sheegay in lagu heshiin waayay Qodobadaan.

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Qodobka uu watay Mr.Farmaajo oo ahaa muddo kordhin aan afka laga sheegeynin balse loo maraayo Doorsho Qof iyo cod, ayaa la sheegay in laga saaray dooda wada hadalka.

Sidoo Waxaa lagu heshiiyay Doorsho dadban Oo noocii Hore ka duwan lana kordhinaayo tirada Dadka wax dooranaaya, waxaana loo xil saarayaa Guddi farsamo oo ka soo shaqeeya.

Iyadoo lagu wado in muddo 2-todobaad gudahood shir kale la isugu imaan doono Magaalada Dhuusa mareeb, si heshiis kama dambeys ah looga gaaro.

49440cookie-checkShirka Dhuusa mareeb Oo 2-Todobaad Dib Loo Dhigay