Kulan Dhex Maray Qorqor Iyo Ashcari

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Kulan xalay ka dhacay Magaalada Dhuusomareeb, kaasoo u dhaxeeya Mr.Qorqor iyo Mr.Cabdirisaaq Ashcari oo Wakiil ka ah Xoogaga Suufiyada, waxaana looga dooday Qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Hubka, Gadiidka Dagaalka Iyo Xoogaga Hubeysan Ee Suufiyada…

Wararka ayaa sheegaya in kulankaan ayaa looga dooday sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna gaar ahaan hubkii kooxdaasi laheyd sidii maamulka loogu wareejin lahaa, waxaana Dhexdhexaadiyay Madaxda Xafiiska Socdaalka Ee Muqdisho.

Sheekh Cabdirisaaq Ashcari ayaa Madaxweynaha Galmudug hordhigay shuruudo dhowr ah si wadahadalka u guuleysto, wuxuuna u sheegay in muhiim tahay in Galmudug qeyb ka noqdaan kooxda Ahlu Sunna lagana siiyo wasiiro iyo xilal kale oo muhiim ah.

Waxa uu hogaamiyahan katirsan Ahlu Sunna Madaxweyne Qoor Qoor u sheegay in usoo halgameen Galmudug ayna xaq u leeyihiin in saami fiican ku yeeshaan, waxa uuna hor dhigay in muhiim tahay in isku shaandheyn lagu sameeyo Wasiirada Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayeyna ku adkaatay fulinta shuruudaha qaar ee Ahlu Sunna hor dhigtay sida isku shaandheynta Wasiirada iyo xilal badan ay codsadeen, kulanka ayaana kusoo dhamaaday natiijo la’ana iyadoona loo balamay kulamo kale.

Ahlu Sunna oo awood badan ku laheyd magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel ayaa markii dambe awood looga saaray magaalooyinkaasi, markii xilka Madaxweynaha Galmudug la doortay.

65220cookie-checkKulan Dhex Maray Qorqor Iyo Ashcari