Maamulka Hargeysa Oo Digniino Ka Soo Saaray Xulista Xildhibaanada

Somalia news

Maamulka Muuse Biixi ayaa ku tilmaamtay gef weyn qoraal dhawaan kasoo baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka Aqalka sare ee Somalia, qoralkaas oo ahaa magacaabidda guddiga qaban qaabada doorashada xidhibaanada gobolada waqooyi (Somaliland) u matalaya Baarlamaanka….

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay hadalka kasoo yeeray golaha aqalka sare ee ah in wakiilada Somaliland metelaya lagu dooranayo Xamar, ay tahay meelka dhac iyo gef loola badheedhayo jiritaanka maamulkooda

”Qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda,” ayaa  lagu yiri qoraalka, Somaliland waxay sheegtay inay ciqaab adag mudan doonaan ciddii ka qayb-gasha doorashooyinka ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Hadalka Somaliland, ayaa kusoo aadaya iyadoo afar sano kasta Muqdisho lagu doorto xildhibaanada kasoo jeeda goboladaas ee ku biiraya labada Golaha Ee Federaalka.

65260cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Digniino Ka Soo Saaray Xulista Xildhibaanada