Xafiisyada Wasiirka 1-aad & Caqabadaha Ka Taagan

Somalia news

Muddada Gaaban Ee uu xilka hayay Ra’iisul wasaaradaha Dowladda Federaalka ayaa waxaa hareeyay Caqabado iyo turunturooyin laga soo diraayay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Wasiirka 1-aad, kuwaasoo Shaqaalhoodii u soo diray iney maamulaan Xafiiska Mr.Rooble si loola socdo Dhaqdhaqaaqiisa…..

Ra’iisul cusub ayaa Xafiiska la wareegay 27-kii Bishii tagay, iyadoo shaqada ugu weyn Ee looga fadhiyo ay tahay Magacaabista Golaha Wasiirka, isagoo qabtay howlo aan sidaa muhiim u aheyn laguna fasiray in laga soo diyaariyay Xafiiska Farmaajo, kuwaasoo kala ah:-

-Shaacinta Hab-raaca heshiiskii Doorashada

-Wareegtadii Xakameynta Wasiirada Xilka sii haya

-Safarkii Kuwait Ee Tacsida

Ilo wareedyo ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Wasiirka 1-aad uu magacaabay 3-La-taliyayaal cusub oo Xafiiskiisa ka howlgeli doona, inkastoo ay jiraan caqabado u baahan xalin iyo Go’aan qaadasho, kadib markii Sii-hayaha Ra’iisul wasaaraha iyo Xoghayaha Joogtada ay magacaabeen Madax qeybyo iyo Shaqaale cusub oo Xafiiska ka shaqeynaaya, kuwaasoo sharci darro lagu tilmaamay.

Khubarada aqoonta u leh Arrimaha Xafiisyada ayaa tilmaamay in Xafiiska Wasiirka 1-aad ay ka muuqato isku dhex yaac, iyadoo Shaqaalaha iyo Ilaalada Ciidamada Ee Xafiiskaasi ay ka howlgalaan Xubno Ka Soo jeeda Beelaha Mareexaan iyo Garxajis, waxaana la tilmaamay in awood dheeraad ah la soo baxay Mr.Mahdi Guuleed oo daacad u ah Mr.Farmaajo.

Xiligaan Xafiiska Mr.Rooble Waxaa hareeyay Fowdo iyo nidaam la’aan ay si bareer ah u saneynayaan Shaqsiyaad laga soo xawilay Xafiiska Madaxtooyada, kuwaasoo doonaya iney Mr.Rooble si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqiisa iyo Dadka uu la kulmaayo kadib u gudbiyaan Mr.Farmaajo.

65190cookie-checkXafiisyada Wasiirka 1-aad & Caqabadaha Ka Taagan