Tan iyo markii la gaaray Heshiiskii Doorashada dadban Ee Dowladda Federaalka iyo Maamulada dalka, kuna dhawaaqeen jadwalka Doorashooyinka Dalka, ayaa Magaalada Nairobi waxey xudun u noqotay inta badan Musharixiinta uu damaca uga jiro xilka Madaxtinimo, waxeyna bilaabeen dhaqdhaqaayo siyaasadeed, kulamo iyo abaabulo xoogan…
Siyaasiyiintaan ayaa kulamo wada tashi ah la yeeshay Ganacsatada iyo Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi, iyagoo u gudbiyay Ajendahooda iyo barnaamijyadooda siyaasadeed ee ay wataan, si loogu Taageero, waxeyna ku qeexeen in doorashooyinka soo aadan, ay ku guuleysan karaan.
Ololahaan doorasho ayaa kusoo hagaagay iyaddoo xiriirka u dhaxeey Muqdisho iyo Nairobi uu sanadihii u dambeeyay gaarey meeshii ugu xumeyd, khilaafka Jubaland gaar ahaan Ciidamada Degmada B/Xaawo ayaa ah sababaha ugu waaweyn Ee xiriirka u xumaaday.
Talaabadaan ayaa dhalisay in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ee waqtiga kasii dhacayo ay gacansaar dhow la yeelato Ethiopia iyo Eritrea kuwaasoo Farmaajo waydiisatay taageero ku aadan sidii uu kursiga ugu soo laaban lahaa Doorashada nagu soo fool leh.
Qorshaha Farmaajo ee xiritaanka duulimaadyada Kenya:-
ilo wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegay Warsidaha Diinah.com news Mr.Farmaajo & Fahad Yasin ay qorsheeyeen in gebi ahaanba la xiro duulimaadyada Kenya, iyadoo ujeedka laga leeyahayna ay tahay sidii culeys loo saari lahaa Kooxaha Mucaaradka Ee doonaya iney la tartamaan Mr.Farmaajo kuwaasoo badankood saldhig ka dhigtay magaalada Nairobi, halka sanadkii 2016 ay Muqdisho ahayd saldhigga ugu weyn ee Musharaxiinta marka laga reebo Farmaajo oo saldhig u ahayd magaalada Nairobi.