Danjiraha USA Oo Lagu Eedeeyay Inuu Dhinac La Saftay

Somalia news

Danjiraha USA ee Somalia ayaa lagu eedeeyay inuu ku dhex milmay Siyaasada gudaha, isla markaana uu dhinac la saftay, wuxuuna soo saaray Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka, isagoo eedeyn iyo xanaaq kala duldhacay Madaxweyne Saciid Deni iyo Axmad Madoobe, Mr.Yamamota ayaa la sheegay inuu 3-dii sano ugu dambeysay ahaa Shaqsiga hortaagan in dalka uu yeesho Dowlad salbalaaran oo Dadka u adeegta….

Qoraalkaan ayaa Danjiraha ku sheegay kadib markii Puntland iyo Jubbaland ay marka kale ka baxeen balanqaad ay horay u sameeyeen oo ahaa in ay ku biirayaan shirka maalinta Jimcaha ama Sabdiga iyaga oo la yimid sharuudo hor leh oo ay ku jiraan in Farmaajo xaqiijiyo in go’aanka  ka soo baxda shirka uu noqonayo mid kama dambeys ah oo aan loola noqonaynin Baarlamaanka.

Waxa uu intaas ku daray “Qaswadayaasha diidan ka qeyb galka shirka waxay u baas baxayaan dimoqraadiyada Damacooda goonida ah. Dhinayacyadda shirka waxaa loo baahanyahay in ay horay u socdaan si loo helo hanaan waqtigiisa la isugu raaco”.

Waxaa wax la la yaabo ah in sida loo hirgelin karo Hanaan doorasho oo la isku raacsan yahay, iyadoo ay muuqato kala qeybsanaan u dhaxeysa Maamulada iyo Villa Somalia, horey ayeey u maqneyd Maamulka Somaliland haddana waxaa meesha baxay Puntland iyo Jubbaland, waxaana aan shaki ku jirin in dalka uu cagaha la galay Xaalad qalalaase oo horseedi kara in dib ugu laabto dagaaladii sokeeye.

Madaxweynaha Puntland Mr.Saciid Dani ayaa sheegay “Dalkaan aan laga maamulin Safaarad shisheeye oo howladeedu yahay Viise bixin, wuxuuna ugu baaqay iney faraha kala baxaan arrimaha gudaha ee Somalia.

55840cookie-checkDanjiraha USA Oo Lagu Eedeeyay Inuu Dhinac La Saftay