Maamulada Gobolada Oo Qaarkood Oo Shaaciyay Kuraasta Doorashada

Somalia news

Maamulada Gobolada Galmudug, Konfur galbeed ayas shaaciyay iney qaban doono Doorashada kuraas u xiran xubno isugu jira kuwa taageersan Farmaajo iyo qaar ka soo horjeeda kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay 16-Kurassi, Halka Puntland lagu iney ku dhowaaqaan Qabashada Doorashada..

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu qaban doono tartanka 5-Kurassi Xildhibaan kuwaasoo kala ah:-

-HOP#043 Xuseen Qaasim, -HOP#054 Cabdishakuur Cali Mire, -HOP#104 Mahad Cabdalla Cawad, -HOP#067 Cabdullaahi Axmed Cali (Caddow Cali), (Yasin Farey) -HOP#026 Ikraan Aadan Absuge. Kuraastaan inta badan Waa xiran yihiin waana Taageerayaasha Farmaajo.

Guddiga doorashooyinka heer Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay doorashada 11 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Warqad ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in todobaadka soo socda la qaban doono doorashada 11 kursi oo lambaradoodu kala yihiin HOP#182, HOP#042, HOP#041, HOP#103, HOP#170, HOP#171, HOP#213, HOP#180, HOP#154, HOP#189 iyo HOP#193.

Kuraasta la shaaciyay qaar ka mid ah waxaa hadda ku fadhiya guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo guddoomiyeshaashii hore Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Sheekh Aadan Madoobe, waana kuraas si weyn isha loogu hayo cidda ku soo bixi doonta.

Dhanka Kale Guddiga Doorashada Qoraal uu soo saaray ayeey ku wargeliyeen dhamaan Musharixiinta u tartameysa 6-Kursi xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga iney is diiwaan geliyaan kuwaasoo kala ah HOP#233, HOP#208, HOP#210, HOP#202, HOP#225, HOP#272, waxaa dib loo dhigay 3-Kursi kuwaasoo kala ah HOP#214, HOP#218, iyo HOP#226.

Guddiga hirgelinta doorashada heer Puntland ayaa lagu wadaa in uu shaaciyo 10 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka ee laga soo doorto Puntland, Kuraastan ayaa ku kooban Xildhibaannada Baarlamanka ee laga soo doorto Gobollada Mudug iyo Nugaal oo doorashadooda lagu qaban doono Magaalada Garoowe.

151590cookie-checkMaamulada Gobolada Oo Qaarkood Oo Shaaciyay Kuraasta Doorashada