Muqdishu & Maanta Mudaaharaadyo Iska Soo Horjeeda

Somalia news

Qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho ayaa saaka mar kale xiran, ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa waddooyinka la soo dhigay, iyadoo laga cabsi qabo inuu ka dhaco Mudaaharaadyo iska soo horjeeda, talaabadaan ayaa u muuqata mid helis galineysa Nabada iyo Amaanka Magaalada Muqdishu….

Macluumaad kala duwan ayaa ka soo baxaya sababaha loo xiray waddooyinka, waxaana wararka qaar sheegayaan inay jiraan abaabul bannaanbaxyo oo midna dowladda lagu taageerayo, midna looga soo horjeedo, inkastoo bannaanbixii dowladda lagu taageerayay xalay fiidkii la baajiyay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dhanka Mucaaradka qorsheynayaan bannaanbaxyo iyo munaasabado, waxaana Xisbiga Wadajir uu qorsheynayaa inuu maanta xuso saddex sano guuradii ka soo wareegatay weerarkii lagu qaaday hoyga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir 17 December 2017.

Maalin ka hor ayay aheyd markii qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho ka dhaceen bannaanbaxyo looga soo horjeeday Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, waxaana bannaanbaxyadaas sababeen shaqaaqo ay ku dhaawacmeen ilaa afar qof oo rayid ah.

79580cookie-checkMuqdishu & Maanta Mudaaharaadyo Iska Soo Horjeeda