Dayactirka Wadada Muqdisho-Afgooye Oo Hakad ku Jirta

Somalia news

Waxqabadka Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa waxaa ka mid ahaa Dayactirka Wadooyinka Muqdisho-Afgooye iyo Muqdisho-Jowhar, iyadoo mashaariicdaan ay maalgalineysa Maamulka Dooxa isla markaasna qandaraas lagu siiyay Shirkadda Enez ee Turkiga….

Ayaan darro muddo Lix bilood ayeey Dayactirka Wadada Muqdisho-Afgooye hakad ku jirtaa, shaqadii dhismaha wadada, iyadoo loo joojiyay cabsi iyo Amni la’aan soo food saartay Injineerada iyo Shaqaalaha ku howlanaa Dayactirka Wadada.

Shirkadda Enez oo lagu tiriyo iney xiriir toos ah la leeyihiin Qoyska Madaxweynaha Turkiga, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Shirkad kale ee lagu magacaabo Sadat uuna madax ka yahay Gen.Adnan Tanriverdi, uu diyaarinaayo Ciidamo isku dhaf ah oo Somali, Siria Iyo Turki, kuwaasoo loogu talo galay iney ka howlgalaan wadadaasi.

Qaar ka mid ah Wadaayaasha Gadiidka Dadweynaha ayaa sheegay “iney ku faraxaan yihiin dib u furida wadada, balse wuxuu sheegay inuusan muuqan isbedel lagu hilmaami Karo mudadii ay xirneyd Wadada”.

Wuxuuna intaasi raaciyay in laga qaaday Ciidamadii Dilka, jirdili-jiray Wadayaasha Gaadiidka gaar ahaan kuwa Bajaajta, wuxuu xusay in xiligaan si Nabad ah ayaa lagu tago degmada Afgooye.

42250cookie-checkDayactirka Wadada Muqdisho-Afgooye Oo Hakad ku Jirta