Gacan-ka-Hadal u Dhaxeeya Maleeshiyaadka Shababka iyo Kuwa Daacishta-Somalia oo Ka Dhacay Bariga Puntland

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanada Bali-Dhiin ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaadka kooxaha Shababka iyo ISIL (Daacishta) uu ka soo cusbnaaday degaanada Bariga Puntland, iyadoo la sheegay inuu geystay khasaare isugu jira dhinasho iyo dhaawac..

Wararka ayaa sheegay in dagaalkaan uu daba socdo kuwii horey u dhex maray labada Maleeshiyo ee ka dhacay Buuraleyda Cal-miskeed, kuwaasoo dhacay sanadihii 2018-kii iyo biliwgii Xagaagii 2019-kii, iyadoo wixii ka dambeeyay ay joogto noqotay isku dhacyada labada Makeeshiyo.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa, balse waxey u badan tahay gacan ku heynta degaanadaasi iyo Dhaqaalaha laga qaado Ganacsatada, Doomaha Kaluumeysiga iyo Xijiga, Maamulka Saciid Dani ayaa ka gaabsaday inuu warar faahfaahsan ka bixiyo dagaalkaan.

246460cookie-checkGacan-ka-Hadal u Dhaxeeya Maleeshiyaadka Shababka iyo Kuwa Daacishta-Somalia oo Ka Dhacay Bariga Puntland