UK Oo Digniino Amni Ka Soo Saartay Somalia

Somalia news

Dowladda Ingiriiska, ayaa amar ku siisay Muwaadiniinteeda ku sugan Somalia, inay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan sababo Amni dartood, Qoraal ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda Dowlada Ingiriiska, ayaa lagu amray dhammaan muwaadiniinta u dhashay UK iney fuliyaan amarkaasi….

Digniintu waxay muujinaysa, in wakhti dhow la filan karo weerarro Argagixiso halis ah oo la la beegsan karo gooba muhiim ah oo ku yaalla Muqdishu, Berbera iyo Hargeysa kuwaasoo laga cabsi qabo in si aan kala sooc lahayn loogu beegsado Rayidka.

Sidoo kale, dhammaan muwaadiniinta Ingiriiska waxa lagula taliyay, in aysan u safrin Dhulka Somalia marka laga reebo safarada daruuriga ah, kuwaas oo ay waajib tahay in taxaddar dheeriya la muujiyo.

Muwaadiniinta Ingiriiska, waxa lagu waaniyay in ay feejignaan iyo taxaddar xooggan muujiyaan, haddii ay safaro muhiim ah u booqdaan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, si looga gaashaanto wax kasta oo dhici kara.

Dowladda Ingiriisku waxay sheegtay in ay jirto digniin xooggan oo ku saabsan, in kooxaha Argagixisada ah ee gudaha Somalia ay qorshaynayaan weerarro iyo af-duub ka dhan ah dadka Reer Galbeedka ah iyo shaqaalaha u shaqeeya hay’adaha Reer Galbeedka.

80620cookie-checkUK Oo Digniino Amni Ka Soo Saartay Somalia