Shirka Dhuusa mareeb Oo Furmay

Somalia news

Shirk Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa goordhow ka furmay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo shirka uu ka dib dhacay waqtigii u qorsheeyay Madaxweyne Farmaajo oo ahaa 1-3 February, balse in maanta uu furmo oo bishu tahay 3 February ayaa waxay ka dhigan tahay in shirku maalmo cusub qaadan doono oo uu ka dib dhici doonto jadwalkii uu u qorsheeyay shirkaas….

Sida muuqata waxaa uu shirku ku furmayaa jawi aan la saadaalin karin natiijadiisa, marka loo eego in aanay niyadsami ka dhex jirin dhinacyada shiraya oo ay aad u kala aragti duwan yihiin.

Shirka oo xalay fiidkii la filayay inuu furmo ayaa dib u dhacay, kaddib markii Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo shalay safar ku soo galay Dhuusamareeb ay cudur daarteen, sababo la xiriira inay daalan yihiin.

Haddii shirka oo maanta furmaya uu labo cisho iyo dheeraad ku darsado waxaa dib u dhac ku imaan doona balantii Madaxweyne Farmaajo ee Baarlamaanka labada Aqal inuu khudbad u jeedin doono 5 bisha February oo ku beegan maalinta jimcaha.

91860cookie-checkShirka Dhuusa mareeb Oo Furmay