Siyaasiyiinta Waqooyiga Oo Ku Baaqay In Aan Loo Dhameyn Shirka Dhuusa mareeb

Somalia news

Shir Jaraa’iid oo ay maanta ku qabteen Magaalada Mogadishu Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga Somalia ayaa sheegay in aan loo dhameyn shirka ka socda Magaalada Dhuusa mareeb, kadib markii Garabka Farmaajo ay diideen in lagu casumo…

Siyaasiyiintaan oo Hogaaminaayay Gudoomiyaha Aqalka Sare Mr.Cabdi Xaashi oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in aan loo dhameyn Shirka Dhuusa mareeb-4, kadib markii Kooxda Farmaajo ay diideen inuu ka soo qeyb galo Kulanka.

Mr.Xaashi ayaa sheegay in Mr.Farmaajo uusan aqoonsaneyn Kaalinta Aqalka Sare iyo nidaamka Federaaleynta ee Somalia ay qaadatay, dhibaatada jirtana ay tahay iyadoo uusan Mr.Farmaajo fahamsaneyn in Degaanada Waqooyiga Somalia ay ka maqan tahay kulankaasi.

Baaq ay soo saareen ayeey ku dalbadeen in Shirweyne guud la iskugu yimaado si looga hadlo xaalada Dalka mar hadii aan loo dhameyn Shirka Dhuusa mareeb.

91900cookie-checkSiyaasiyiinta Waqooyiga Oo Ku Baaqay In Aan Loo Dhameyn Shirka Dhuusa mareeb