Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulankii xalay ka dhacay Magaalada Dhuusa mareeb, kaasoo furmay fiidkii xalay gaaryna ilaa saqdii dhexe, Waxaana si adag looga dooday Qodobadii la isku hayay, inkastoo aan natiijo laga gaarin, waxeyna dhinacyadaan u muuqdaan iney doodaha sii socdaan….
Wararka ayaa sheegay in aad looga dooday Guddiyada Doorashada ee Muranka ka taagan yahay, iyadoo la hordhigay Garabka Villa Somalia Liiska magacyada Shaqaalaha Madaxtooyada kuwa NISA iyo Taageerayaasha jidbeysan Ee Guddiyada ku jira, waxeyna muujiyeen iney diyaar u yihiin la bedelo.
Dhanka Xiisadaha Ciidamada Gobolka Gedo ayaa la sheegay in aan horumar laga sameynin, iyadoo la sheegay in Mr.Farmaajo uu sheegay in Kulan gaar ah kala yeelanaayo Sheekh Axmed Madoobe, balse weli xal lagama gaarin.
Maanta ayaa lagu wadaa iney 10-barqanimo isku soo noqdaan Dhinacayadaan, si loo sii ambaqaado ka doodida Qodobka harsan.