Siyaasada Somalia iyo Xulufeysiga Cusub

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka socday magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb, iyo Garowe wada-hadalo qarsoon oo u dhaxeeya siyaasiyiin ku kala aragti duwanaan jirtay siyaasadda Somalia, laakiin hada u muuqata inay qaateen hal mowqif oo cusub taasOo dhici karta iney waji cusub u yeesho siyaasadda, isla markaana abuuri doonta colaad siyaasadeed oo hor leh oo dalka galin doono marxalad Caqabado iyo colaado horseedi kara….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Kadib markii uu yaqiinsaday Adeege Fahad Yasin in fashil uu ku dhamaaday Qorshayaashii Muddo kordhinta iyo Rajada Soo noqoshada Mr.Farmaajo ayuu si hoose wuxuu u dhisay Isbaheysi cusub ay udub dhexaad u yihiin Isaga iyo Cabdikariim Guuleed, waxeyna gorgortan hoose kula jiraan Madaxda Maamulada Gobolada qaarkood sida Jubbaland iyo Galmudug, iyagoo u sameeyay balanqaadyo ah iney aragti mideysan ka yeeshaan Arrimaha Doorashada.

Wada hadaladaan ayaa Soo gaaray heer dhexe, iyadoo aysan weli kooxdaan Go’aan mideysan isla meel dhigin, Wararka ayaa sheegaya in kulamadaan ay si qorsoodi ah uga socdaan Magaalada Garoowe, waxaana ku soo Biiray Mr.Saciid Dani, iyadoo Kooxda Fahad/Guuleed ay uga qeyb galeen Kulanka Khadka Isgaarsiinta.

Ujeedada ugu weyn ayaa ah sidii Go’doon Siyaasadeed loo gelin lahaa Wasiirka 1-aad Oo Qorshihii Muddo kororsiga ceel dheer ku riday looga aarsan lahaa, waxaana qorshu yahay in Maamulada Galmudug, Konfur galbeed iyo Hir-Shabelle laga bixiyo gacantiisa, iyadoo balanqaadyo been ah loo sameynaayo.

Sidoo kale Madasha Xisbiyada Qaran ayaa u muuqda kuwa ku dhex dhumay labada koox oo ay kala hogaaminayaan Kheyre iyo Farmaajo. Waxana cad in ay ku jiraan jahaweere siyaasadeed.

Ugu dambeyntii, siyaasadda Somalia ayaa markale dib ula soo baxday wajigii horay looga bartay ee munaafaqaynta, been isku sheegida iyo beecinta danaha gaarka ah, su’aasha isweydiinta u baahan waxa ay tahay? yaa ku bixi doono qayaanada siyaasadeed ee ka socoto Dhuusamareeb, Garoowe iyo Muqdisho!!??

48500cookie-checkSiyaasada Somalia iyo Xulufeysiga Cusub