Is-Rasaaseyn Kooban Oo Ka Dhacday B/weyne

Somalia news

Waxaa haatan degan xaalada magaalada Baledweyne kadib markii shacabka ku dhaqan magaalada ay mar qura kusoo tooseen aroornimadii hore ee saaka dagaal waqti kooban ku dhaxmaray gudaha magaalada Baledweyne ciidamo ka amar qaata hoggaamiyaha Golaha Samata Bixinta Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud iyo ciidamada Boliiska Hirshabeelle kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan….

Is-rasaaseyntaan ayaa qarxay abaarihii 06:30  daqiiqo wuxuuna si toos ah u dhexmaray ciidamada Boliiska iyo kuwa Mr.Xuud inkastoo aanan wali la sheegin wax qasaaro ah oo ka dhashay dagaalka ka dhacay gudaha Magaalada, Xoogaga Hubeysan ayaa weerarka kusoo qaaday ciidamo Boliis ah oo lagu daadiyay wadooyinka waaweyn ee magaalada Baledweyne si ay uga hortagaan Banaanbaxyo looga soo horjeeday Maamulka Hirshabeelle oo lagu waday in maanta ay sameyaan shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne.

Afhayeenka Xoogagaan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuubeey oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu jeedada weerarkooda saaka uu ahaa iney xabsiga kasoo dayaan ilaa lix ruux oo dhalinyaro ah oo isugu jira Rag iyo Dumar oo ku xiran xabsiga Nabad-sugida xerada Lamagalaay ee magaalada Baledweyne, ayna joojiyeen howlgalkaasi kadib markii ay Codsadeen Odayaasha Dhaqanka.

92080cookie-checkIs-Rasaaseyn Kooban Oo Ka Dhacday B/weyne