Qorshaha Muddo Kordhin Farmaajo Oo Fashilmay

Somalia news

Xildhibaannada labada Aqal ee maanta shirka uga socda Hotel Jazeera, iyagoo ka tashanaaya qorshaha la sheegay in berri Wasiirka 1-aad ee Maamulka Muddo xileedkiisa Dhamaaday Mr.Rooble la imaan rabo Baarlamaanka ee ku saabsan muddo kordhinta labada sano….

Wararka Ayaa soo shaac baxaaya Kadib markii maalintii shalay ku dhowaad 100-Askari ay gudaha Hoolka Baarlamaanka la galeen Bastoolado, iyagoo lagu amray iney ka mid noqdaan Xikdhibaanada iyo Senatorada isla si bug ah u codeeyaan.

Talaabadaan ayaa u muuqata mid lagu doonaayo in si qasab ah muddo kordhin loogu sameeyo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo Ee Muddo xileedkiisu dhamaaday 7-dii-Feb-2021.

Maalinta Berito ayaa laga cabsi qabaa in gacan ka hadal uu ka dhaco gudaha Xarunta Baarlamaanka.

93650cookie-checkQorshaha Muddo Kordhin Farmaajo Oo Fashilmay