Ma Dhabaa in Lagu Dhawaaqaayo Golaha Wasiirada Maamulka Puntland..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa in saacadaha soo socda ayuu Hogaamiyaha Maamulka Puntland ku dhawaaqayaa Maamul u badan xubno Mucaarad ku ah Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo la filaayo inuu kordhis ku yimaado tirada Golahaasi si loo qanciyo Beelaha cabashada qaba..

Shaxdaan ayaa la sheegay iney loo qeybiyay kuraasta Golaha ee Gobolada sida laga soo xigtay ilo wareedyo loo qaateen, inkastoo wax iska bedeli karaan caawa ayeeyna u badan tahay in lagu dhawaaqo:-

Gobolka Bari

-Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Bada.
-Wasaarada Qorshaynta.
-Wasaarada Macdanta iyo Biyaha.
-Wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka Bada.

Gobolka Nugaal

-Wasaarada Maaliyada
-Wasaarada Amniga.

Gobolka Sanaag

-Wasaarada Duulista hawada
-Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
-Wasaarada Waxbarashada.

Gobolka Mudug

-Wasaarada Arimaha Gudaha
-Wasaarada Cadaalada,Diinta iyo Awqaafta.
-Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha.
-Wasaarada Deegaanka Duur joogta iyo Dalxiiska.

Gobolka Sool

-Wasaarada Caafimaadka.
-Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Dhaliinyarada iyo Ciyaaraha.
-Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.

Waxaa loo badinayaa in 80% wajiyo cusub oo horay Siyaasada Puntland ugu jirin la soo xuli doono, iyadoo 1 ilaa 3-Xubnood la soo celin doono Wasiiradii hore, tiro badan Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal ayaa daadku qaadi doonaa.

311400cookie-checkMa Dhabaa in Lagu Dhawaaqaayo Golaha Wasiirada Maamulka Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com