Madaxda Soomaalida Oo Ku Kulmaaya Garoowe

Somalia news

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Farmaajo ayaa iclaamiyay in Kulan kale uu ka dhici doona Magaalada Garoowe Ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland…

Sida laga soo xigtay Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in 15-bishaan February lagu qaban doono Kulan diirada lagu saaraayo Xal u helida Khilaafka ka taagan qabashada Doorasho dadban oo Dalka ka dhacda.

Xiisada Gobolka Gedo oo Beesha Farmaajo Shuruudo Ku xirtay in 16-xubnood Ee Gobolkaasi laga soo dooran lahaa inuusan maamulin Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa xudun u ah Burburka wada hadalada Dhuusa mareeb, kadib markii uu tanaasul ka muujin waayay Khilaafka taagan.

93690cookie-checkMadaxda Soomaalida Oo Ku Kulmaaya Garoowe