Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mr.Saciid Cabdulahi Dani oo xalay khudbad dhinacyo badan taabaneysa jeediyay, ayaa ku soo hadal qaaday Ciidamada Gorgor iyo Harmcad oo Turkiga tababaro, wuxuuna ku Eedeeyay in Hab-dhaqankood uu la mid yahay kuwa Kooxaha argagixisada….
Mr.Dani ayaa tuhunkiisa ku xoojiyay sheegashooyin Uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ku faanay inuu heysto Ciidamo Daacad u ah, wuxuuna cod Dheer Mr.Deni ku sheegay in Ciidamadaan aysan aheyn kuwo Naxariis ah, isla markaasna aan Hal maalin dagaal la gelin Kooxaha argagixisada Shababka.
Ciidamadaan ayaa isugu jira kooxo ka soo kala jeeda kuwo Shababka ka soo goostay, Qaar NISA horey uga tirsanaa Iyo kuwo cusub la tababaray, wuxuuna sheegay inuu shaki weyn ka qabo Howlgalada Ciidamadaan iyo dilalka ay fuliyaan, wuxuuna ka digay in Dalku uu dib ugu noqon doono Dagaaladii sokeeye hadii aan wax laga qaban.
Xaqiijinta dhexdhexaadnimada Ciidamadaan ayaa la rumeysan yahay iney qeyb ka noqon karto inuu xaalku faraha ka baxo, waxaana la saadaalinayaa in Amaanka Doorashooyinka Somalia gebi ahaan laga mamnuuci karto Askartaan iney saameyn ku yeeshaan iyo in rajadii aheyd iney bedelaan Ciidamada Amisom.