Qabanqaabada Banaanbaxyo Oo Ka Socda Muqdisho

Somalia news

Kadib markii ay Go’aano Maqaamkoodu hoose ay Guddiyada Barlamaanka ka soo saareen Magaalada Muqdisho oo u ah Xudunta Dalka, ayaa Shacbiga waxey tabanayaan in Matalaad Dhab ah aysan Maanka ugu jirin Kooxda Talada haysa….

Ayaan darrada Magaalada Muqdisho heysata ayaa ineysan jirin Siyaasi, Waxgarad iyo Odayaal Dhaqameed u dooda Xaquuqdeeda u raadi ya si nabad ah Muxaafid iyo Mucaaradba, kuwaasoo dantooda ka hormariya danta guud.

https://www.facebook.com/133856583339708/posts/3144100445648625/?sfnsn=wa&d=w&vh=e

Magaalada waxaa ku Nool in ka badan 3 malyan oo Qof, ayaa Madaxweynahii Xilka qabta Dhuuqo Dhaqaalaha Magaalada isla markaasna u magacaaba shaqsiyaad dadnimadoodu hooseyso Gobolka Banaadir, talaabadaasi ay horseedo in Shaqsiyaadka la magacaabo ay ku shaqeeyaan rabitaanka Madaxtooyada halka Shacabka u Shaqeyn la hayeen.

17 Degmo hada waxaa ka Socda qabanqaabada lagu Diyaarinaayo Banaanbaxyo lagu doonaayo in Xaquuqda iyo Matalaasha Gobolkq Banaadir, isla markaasna ay la joojiyo bixinta Canshuurta.

Banaanbaxaan ayaa laga Cabsi qabaa in ay ka dhashaan rabshado keeni karo in Muqdisho dib u hesho maqaamkeeda Siyaasadeed, halkii ay qaadan lahaayeen in 4,5 ceyriinka ay ku qeybsadaan Manaxayaal u soo shaqo tagay.

39270cookie-checkQabanqaabada Banaanbaxyo Oo Ka Socda Muqdisho