Degaanka Yaaq-Bariweyne Oo Dab La Qabadsiiyay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya in Dabley ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka ay weerar ku qaadeen deegaanka Yaaq-bari weyne oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose….

Ilo wareedyo degaanka ah ayaa sheegay in Dabley ka amar qaata Kooxda Shababka ay dab qabad-siiyeen guryo badan oo degaankaasi ku yaal, iyagoo ku amray iney isaga guuraan dadka Degaanka, Talaabadaan ayaa timid kadib markii horjoogayaasha kooxda Shabaabka ay ku eedeeyeen Dadka degaanka ay taageero u fidiyeen Maleeshiyo degaanka oo Hubka u qaatay iney iska xoreeyaan Heeryada Kooxda Argagixisada.

Ma jiro wax khasaare ah nafeed ah oo ka dhashay dhacdadan, marka laga reebo gubashada deegaanka Yaaq-bari weyne ee gobolka Shabeelaha Hoose, Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Dowladda Federaalka, maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan falkaasi.

97010cookie-checkDegaanka Yaaq-Bariweyne Oo Dab La Qabadsiiyay