Acmaasha Xajka Oo Ka Bilaabatay Dalka Sacuudiga

Somalia news

Waxaa Sanadkaan aad loo soo koobay tirada Xujeyda gudaneysa Acmaasha Xajka ee sanadkan oo bilaabtay shalay oo arbaco aheyd sababo la xiriira cudurka Coronavirus awgeed…

Dowlada Sacuudiga ayaa mamnuucday dadkii caalamka ka iman lahaa ee tegi lahaa magaalada barakaysan ee Makka, arrintaas oo ay dowladdu uga gol-leedahay sidii lagu xakamayn lahaa cudurkaasi safmarka ah.

Waxaa loo ogolaaday oo kaliya muwaadiniinta dalalka kale ka soo jeeda ee deggan boqortooyada inay Xajka sanadkan gutaan.

Qiyaastii laba milyan oo qof ayaa sanad kasta Xajka guta, hase yeeshee sanadkan ayaa waxaa la filayaa inay gutaan dad aanan ka badnayn 10,000 (Toban kun oo qof), waxaana maanta oo Khamiis ah, kuna beegan 9-ka bisha Dulxaj oo ah maalinta Carafo ay u kalihi doonaan bannaanka Carafa, wuxuuna xajku socon doonaa 5 maalmood.

51010cookie-checkAcmaasha Xajka Oo Ka Bilaabatay Dalka Sacuudiga