Xildhibaan Xusul Duub Ugu Jira Xilka Wasiirka 1-aad

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in mid ka mid ah Mas’uuliyada Xisbiyada Mucaaradka ayaa Dib u bilaabay Olole balaaran oo uu ku doonaayo inuu ku hanto Xilka Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka, kadib markii Xil ka qaadis muran badan hareeyay lagu sameeyay Ra’iisul wasaarihii hore Mr.Kheyre….

Xuuraankaan ayaa Diinah.com news u sheegay in Gudoomiyaha Xisbiga Ileys Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble uu ka bilaabay olole uu ku doonaayo inuu ku hanto jagada Banaan ee Wasiirka 1-aad ee Dowlada, wuxuuna ka horyimid Qorshihii ay wateen Xisbiyada Mucaaradka Oo ku gacan seyreen iney qaataan Jagada Wasiirka 1-aad iyo Tiro Wasiiro ah, ayna oggolaadaan muddo kordhin 2-sano ah.

Xildhibaanka ayaa Magaalada Muqdisho ka wada olole xoogan iyo kulamo wada tashi ah oo uu ku doonaayo inuu ku hanto jagadaasi, ilaa hadda lama yaqaano sababta, iyo waxa ku riixay inuu joojiyo wada shaqeyntii kala dhaxeysay Xisbiyada Mucaaradka.

51040cookie-checkXildhibaan Xusul Duub Ugu Jira Xilka Wasiirka 1-aad