Duqeyn Lagu Dilay Caruur Oo Ay Geysteen Ciidamada USA

Somalia news

Wararka hordhaca ee naga soo gaaraya degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya In Diyaaradaha Drones-ka ee Maraykanka ayaa sheegay in Duqeyn ku dileen caruur ku nooleyd guri yaal degmadaasi….

Wararka ayaa sheegaya iney Saraakiisha Ciidamada USA ee Africom ay sheegteen iney duqeyntaasi ku dileen 2-Maleeshiyo kuna dhaawaceen tiro kale, iyagoo duqeyntan ku burburiyey xero ciidan oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen goobta la duqeeyey, iyadoo qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM lagu sheegay ineysan jirin khasaare dad shacab ah ka soo gaaray duqeyntaas.

Hase ahaatee War ay faafiyeen kooxda shabaab ayaa lagu beeniyay warkaas, iyagoo soo saaray muuqaallo la xiriira caruur lagu dilay duqeynta dayuuradaha Mareykanka ka geysteen degmada Jilib.

Duqeyntan ayaa dhacday maanta duhurnimadii ayaa waxaa ku buburay Guri ay bannaankiisa ku sugnaayeen saddex caruur ah oo yaryar, waxayna ku dhinteen isla goobta ay duqeyntu ka dhacday.

Muuqaaladda saddexda Caruur ayaa lasoo bandhigay, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay

1-Abuukar Axmad Maxamad oo 8 sano jir ah
2-Cabdisamad Xuseen oo 12 sano jir ah
3-Cabdullaahi Maxamad oo 13 sano jir ah.

Waxaa Sidoo kale shabaab ay soo bandhigtay sawiro muujinaya guryo carshaan ka sameysan oo ku burburay duqeyntaas, iyadoo arrntan ay ku soo beegmeyso xili shalay maraykanku qirtay in qaar ka mid ah weerarada uu ka fuliyo Somalia ay ku dhinteen dad shacab ah.

50980cookie-checkDuqeyn Lagu Dilay Caruur Oo Ay Geysteen Ciidamada USA