Share the post "Afgambi Ka Dhacay Dalka Gabon & Xayiraado lagu soo Rogay Dhaqdhaqaaqyada Shacbiga.."
Wararka naga soo gaaraya Dalka Gabon ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Gabon ayaa ka soo muuqday telefishinka Qaranka dalkaas iyagoo sheegay iney la wareegeen xukunka, kadib Doorashadii ka dhacay sabtidii tagtay lagu dhawaaaqay kuna Guuleystay Madaxwaynaha..
Wararka ayaa sheegay in 12-Sarkaal ay kasoo muuqdeen Telefiishanka iyagoo ku dhawaaqaya inay baabi’inayaan natiijadii doorashada isla markaana ay kala direen dhammaan Hey’adaha Fulinta iyo Sgarci dejinta.
Saraakiishaan ayaa sheegay iney baabi’yeen Natiijadii doorashadii Sabtidii ka dhacday dalkaasi oo lagu dhawaaqay in Madaxweyne Cali Bongo uu ku guuleystay, Guddiga doorashada ayaa sheegay in Mr Bongo Afgambigiisu uu soo afjari doonaa 53 sano oo qoyskiisu ay xukunka Gabon hayeen.