Ma Dhabaa in Sheekh Shariif uu Kulan Qarsoodi ah kula qaatay Magaalada Ankara Farmaajo..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Magaalada Ankara kulan qarsoodi ah uu ku dhex maray labadii Madaxweyne ee hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Adeege Fahad Yaasiin, waxaana looga hadlay arrimaha Siyaasada, Xagal daacinta Maamulka Xasan Sheekh iyo Qodobo kale..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in a oo uu dalbaday Farmaajo ayaa ujeedadiisu ahayd in Madaxweyne Farmaajo cafis ka dalbado Madaxweyne Shariif, gaar ahaan dhacdooyinkii dhacay mudaddii uu xukunka hayay Farmaajo sida weerarkii Hotel Maa’idda iyo xanibaaddii diyaaradaha.

Labada Madaxweyne ee hore ayaa labo jeer is arkay, kulanka hore ayay keli ku ahaayeen, halka kulanka labaad uu Farmaajo la socday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, Xogta ayaa intaasi raacisay in labada dhinac ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaase kulankooda ku soo aadayaa, iyadoo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay dagaal xooggan kula jirto Argagixisada.

Kooxda Farmaajo ayaa xilligan loo arkaa inay raadinayaan isbaheysi siyaasadeed oo gudaha dalka ah, sidoo kale Tiro Saraakiil iyo Xildhibaano oo taageersan Maamulkii Farmaajo ayaa lagu wargeliyay iney xagal daaciyaan Howlgalada Kooxda Argagixisada.

274870cookie-checkMa Dhabaa in Sheekh Shariif uu Kulan Qarsoodi ah kula qaatay Magaalada Ankara Farmaajo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com