Maxaa Keenay in Ciidamada Dowlada Federaalka dib uga Gurtaan Degaanadii Dhawaan Qabsadeen..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa div u gurasho ay sameeyeen Ciidamada Dowlada Federaalka qaar ka mid ah Degaanadii ay ka qabsadeen Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo dib u gurashadanl lagu fasiray istraateejiyad dagaal iyo Khikaaf xoogan oo u Dhaxeeya…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com in Wasiirka Gaashandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Qaabka howlgelinta dagaalka loo dejiyay oo lagu qeexay mid liita, arrintaan ayaa ku soo aaday kadib markii ay Ciidamadu la wareegaan Degmooyinka Ceelbuur iyo degaano u dhaxeeya Ceeldheer.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladu ay dib ugu gurteen Degmooyinka Ceelbur, Ceeldheer, Budbud, Cowsweyne, Galcad iyo Masagawaay, dib u gurashadaan ayaa lagu fasiray iney culesyo ku keeni doonto Degmooyinka Aadan yabaal iyo Xaradheere iyo Dhuusa mareeb, waxaana la isku raacay in Maamulka Maamulka Villa Somalia xiligaan dib uga fekeraan Qaabka iyo Hanaanka Dagaal gelinta.

Taliyaha Ciidamada ayaa la sheegaya in Madaxweynaha uu la wadaagay cabasho uu sheegay inay ka yihiin Wasiirka iyo Saraakiil door hoggaamineed ku leh hawlgalka Gobolada Dhexe, isla-markaana xagal daacin ku haya Howlgalada, ayna caqabad ku yihiin ka guulaha istiraatiijiyadda dagaal, ee ay u dejiyeen in lagu maquuniyo maleeshiyada Shabaabka ee ka hawlgala deegaanada Galmudug.


Ciidamada gadooday oo Talaadadii soo gaaray Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa halkaasi kaga hortegay Saraakiil uu Hormuud u yahay Taliyihii hore ee Ciidamada, Siyaasiyiin iyo Ganacsato Fegaanka ah, iyagoona ku qanciyay inaanay halkaasi soo dhaafin.

Jaahwareerka ku dhacay Ciidamada Dowladda ayaa sababey kadib jabkii dagaalkii degaanks Caws-weyn ee Gobolka Galguduud, taasoo waxyeelo xooggan loogu geystey Ciidamada, iyadoo ay xaalada ka sii dartay Khilaafka Hogaanka Ciidamada, waxaana loo baahan yahay in si deg deg ah loo xaliyo Khilaafyada taagan.

274780cookie-checkMaxaa Keenay in Ciidamada Dowlada Federaalka dib uga Gurtaan Degaanadii Dhawaan Qabsadeen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com